Muuqaal: Faysal Cali Waraabe “Muuse hadduu doonayo in dalku nabadgalo oo in yar wax ku harsan yihiin gogol ha dhigo oo doorasho la isla ogol yahay ha qabto”

12 Aug 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dagaalkii shalay dhexmaray Jamhadda Beesha Garxajir iyo Ciidanka Somaliland ayaa ku tilmaamay xalku inuu yahay in madaxweyne Muuse Biixi qabto doorasho la isla ogol yahay.

Faysal Cali Waraabe ayaa yiri “Muuse hadduu doonayo in dalku nabadgalo oo in yar wax ku harsan yihiin gogol ha dhigo oo doorasho la isla ogol yahay ha qabto. hadduu Muuse taas diido ha la qabto shir qaran”

Faysal Cali Waraabe ayaa ku sii daray “Guurtidii aynu ku baxsan jirnay, ninka maanta joogaa waa ninaaks lahaa Laascaanood maxaa iga galay, waa ninka maanta leh Beel iyo waxaa is haysta intii kale oo guubinaya dagaal, ee maskaxdiise qabiil Somaliland ka mid ah ku gaboobey cudurkeeda”

About The Author