Muuqaal: Madaxweynaha Somaliland oo xariiriyey dagaalka Laascaanood iyo kan Buurta Gacanlibaax

13 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay aas xabaalaha Baqiic loogu sameeyey 9kii kii askari ee ku edhintay dagaalkii tuulada Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil ku dhexmaray Ciidanka Somaliland iyo Jamhadda Beesha Garxajis.

Madaxweynuhu ayaa si cad u sheegay inay waajib tahay soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay dilka Askartaas, xukuumadduna ay garwadeen ka noqon doonto sidii sharciga loo marin lahaa wuxuuna yiri “Maanta Qaranka Somaliland cidii shirqoolkaas iyo dilkaas geysatay mid abaabulay, mid caawiyey iyo mid gacan geystay in sharciga la hor keenaa waa waajib oo sida Diinta Islaamku oggoshahay sharciga la mariyaa waa waajib Qaranka saaran, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqonayso, hay’adaha sharcigana waxa la farayaa inay hawshaas soo dhammaystiraan,”

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland ayaa xariiriyey dagaalka Laascaanood iyo kan Gacanlibaax, isagoo sheegay in markii ururada tartankooda la furay uu bilowday dagaalka Laascaanood, markii doorashada Hargeysa la mudeeyeyna ay bilaabatay dagaalka GacanLibaax.

About The Author