Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo si rasmi ah u shaaciyey iscasilaadiisa

13 Aug 2023 (Puntlandes) Agaasimihii guud ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxanuud ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu iska casilay xilkaasi, isagoo shaaciyey qoraal uu soo saaray.

Xuseen Sheekh ayaa qoraalka ku yiri “Marka hore waxaan umadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in aan si rasmi ah isaga casilay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan haayay laga soo billaabo 23 May, 2022”

Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegay iney la xiriirto damaciisa ku aadan inuu u tartamo xilka madaxtinimo ee maamulka Koofur Galbeed oo dhawaan dhaceyso.

“Waxaan uga tagey xilkii Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu igu xoogeystay dareen i weheshaday oo ah xaaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo markii aan in badan dhageystay tallooyinka shacab iyo siyaasiin badan gaar ahaan kuwa deegaanka, garowsadayna in ay lama huraan tahay inaan waqti dheeraad ah siiyo ka shaqeynta danaha dadka iyo deegaanka Koonfur Galbeed.

Taas oo aan aaminsanahay in ay u baahan tahay hoggaan leh lexejeclo, aqoon, ammaano, waayo-aragnimo iyo damiir ummadeed una horseeda deegaankaas horumar dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo mid bulshaba leh, si looga faa’ideysto kheyraadka Alle ku manaystay Koonfur Galbeed islamarkaana ay hormuud ugu noqoto dalka intiisa kale” ayuu hadalkiisa kusii daray.

About The Author