Degmada xarfo oo ay gaadiid badan ku xaniban yihiin

14 Aug 2023 (Puntlandes) Degmada xarfo ee gobolka Mudug ayaa gaadiid badan ku xaniban yihiin, iyadoo isu socodka Gadiidka xamuulka ah ee Puntland uu guud ahaan xaniban yahay maalintii labaad.

Isu socodka Gaadiidka ayaa waxaa xanibay Ciidan ka mid Daraawiishta Puntland oo ka cabanaya inaysan Mushahaarkoodii helin muddo 5 bilood ah.

Sidoo kale haqaalaha rayidka ah ayaan iyana helin Xuquudoodii muddo ka bafdan 10 bilood, iyadoo xukuumadda Deni ay baraha bulshada ku bixiso lacag aad u badan.

Madaxwaynaha Puntland ayaan kala jeclayn dhibta ka dhalatay Ciidanka xanibay isu socodka Gaadiidka, isagoo daniisa Gaarka Siyaasadeed ah u adeegsada Mushahaarkii ciidamada canshuur bixiyayaasha dhiban.

About The Author