Sawirro: Ciidamo ka gaduusan Mushahar la`aan oo jidgooyo dhigtay kaantaroolka koonfureed ee Garowe

14 Aug 2023 (Puntlandes) Ciidanka ka tirsan booliska Puntland oo Mushahaar la’aan ka Gadoodsan ayaa la wareegay kantaroolka Koonfureed ee Garowe, waxayna joojiyeen gadiidka xamuulka ah.

Sidaan kale waxaa isu socodka Gadiidka xamuulka ah mudo Labo maalmood ah ku xaniban yihiin degmada Xarfo ee gobolka Mudug kastamkeeda oo ay la wareegeen Ciidamo daraawiish ah oo mushahaar la’aan ka gadoodsan.

Sidoo kale haqaalaha rayidka ah ayaan iyana helin Xuquudoodii muddo ka bafdan 10 bilood, iyadoo xukuumadda Deni ay baraha bulshada ku bixiso lacag aad u badan.

Madaxwaynaha Puntland ayaan kala jeclayn dhibta ka dhalatay Ciidanka xanibay isu socodka Gaadiidka, isagoo daniisa Gaarka Siyaasadeed ah u adeegsada Mushahaarkii ciidamada canshuur bixiyayaasha dhiban.

About The Author