Madaxweyne Deni oo magacaabay 3dii xubnood ee guddiga doorashooyinka (PEC)

15 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay 3dii xubnood ee guddiga doorashooyinka (PEC) oo madaxweynuhu magaaci lahaa.

Sadexda xubnood iyo beelaha ay kasoo jeedan:

1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon): Beesha Leelkase

1.2. Maxamed Abshir Garaad: Beesha Ugaadhyahan/Dhulbahante

3. Maxamuud Soofe Xasan: Beesha Reer Hagar/Dhulbahante

Hoos ka akhriso Xeeerka madaxweyne:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

1.1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)

1.2. Maxamed Abshir Garaad

1.3. Maxamuud Soofe Xasan

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author