Wasiir Faarax oo wax kabedelay Waxbarashada dalka

17 Aug 2023 (Puntlandes) Wasiirka Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS Faarax Sheekh C/qaadir ayaa soo saaray qaraar hal sanno oo waxbarasho ah Asaasi (Foundation Year) loogu kordhinayo Jaamacadaha dalka laga bilaabo sanad dugsiyeedka 2023/2024.

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

About The Author