Gen Sheegow oo Ciidanka DFS gacanta ku dhigeen

19 Aug 2023 (Puntlandes) Ciidamada Booliiska ee sida millateriga u tababbaran ee ay tababartay dawladda Imaaraatka Carabtaoo ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay, Gen Sheegow iyo Askar gaaray 25.

Ciidanka ka amar qaata Gen Sheegow iyo Booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa muddo ka badan 12 saac ku dagaalamayey degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, ka dib markii ay Booliisku damceen in ay qabtaan sarkaalka oo ay sheegeen in ay ka soo cowdeen dadka deegaanku – sida ay ay ku warramayaan warbaahinta maxalliga ah.

Gen Sheegoow ayaa ka mid ahaa xubnihii Badbaado Qaran ee xilligii Farmaajo taageersanaa mucaaridkii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Shiikh.

About The Author