Muuqaal: Booliska oo faahfaahin ka bixiyey hawlagkii lagu soo afjaray Gen Sheegow

19 Aug 2023 (Puntlandes) Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray iyokuwa janeraalka oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad.

Isku dhacii xalay ku dhex-maray Gen Sheegow iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya xaafadda Kaawo Godey dgemada Dharkenley, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale oo dhanka dawladda ah iyo 7 dhanka Sheegow ah, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka booliska.

Afhayeenka ayaa sheegay inuu Sheegow yahay Dhamme hore oo ka tirsanaan jiray Ciidan Xoogga Dalka Dalka Soomaaliyeed oo uusan ahayn Generaal ka tirsan Ciidan, iyadoo la xusuusto markii uu Gen Sheegow ka horjeeday madaxweyne Farmaajo in madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxibadiis ugu yeeri jireen Generaal .

About The Author