Daawo Video: Wasiirka Maaliyada PL ”Maadama uusan Dakhlgenu iyo Qarashku isku dheelitireen Mushahaarada Qaar baanu bixinaa”
15 Jun 2015 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa shaaca ka qaaday in aysan bixin Mushaarooyinka Shaqaalaha Dawlada iyo Ciidama isagoo u sababeeyey in uusan isku dheelitirnayn Qarashka iyo dakhliga usoo xarooda Puntland wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arrinkaas ”Maadama aysan Dakhliga iyo Qarashku isku dheelitireen Mushahaarka Qaar baanu bixinaa qaarna ma bixino”
Puntland dhaqaale xumo ama Dakhli yaraani kama jirto waligeedna horay uma dhicin in madaxweyne cusub uu ku guuldaraysto in uu bixinwaayo Mushahaaraadka Shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada. Madaxweyne Gaas mudadii uu xilka hayey wuxuu aad u kordhiyey Dakhliga u soo xarooda dawlada isagoo soo rogay canshuuro cusub oo ay ku jirto inuu Canshuur ka qaado Ardayda Iskuulaadka dhigta, Shaqaalaha dawlada, Shaqaalaha ajanabiga ah, Canshuurta dadban iyo kuwo kale oo badan. Xaggee ayuu kabaxay dhaqaalahaas usoo xarooday dawlada Puntland? ma Safarada iyo Dalxiiska GAAS ayuu ku baxay? Ma la dhacaa oo dad baa jeebka ka buuxsada mise?
Waxaa kale oo waraysigan uu wasiirku ku qirayaa inay ku qaldameen inay Miisaaniyadii 2015 ka ku darsadeen taageero ay ka filayeen Bangiga Aduunka!!! Bal hoos ka akhriso Warbaahinta Puntlandes oo arrintaas ka faaloonaysa markii Baarlamaanka la horgeeyey:
XOG: Xaggee ku dambeeyey Barnaamijkii World Bank ka waday Puntland?
Wasaarada maaliyada Puntland oo ku fashilantay Miisaanidda 2014
Xukuumada Dr Gaas waxqabad la’aantii ma dayray ku dartay?
Xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay ku Fashilantay ilaalinta dhulka Puntland, waxay ku fashilantay bixinta Mushahaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada Puntland, waxay ku Fashilantay sugida Amniga Puntland, dhankii loo qaadaba way ku fashilantay Xukuumada uu hogaamiyo GAAS hawlihii loo igmaday.
Haddii uusanba kala jeclayn Baarlamaankii loo igmaday inuu ilaaliyo danaha Shacabka? Oo uu ka shaqaynayo isaga danihiisa oo kaliya taasoo ah inay xoogaa ka qaataan GAAS ama ay ka baryaan in uu wiil boos ugu magacaabo yaa ilaalinaya danaha Puntland?
Hadaba su’aashu waxaa weeye maxaa la gudboon shacabka reer Puntland, ma inay daawadayaal ka noqdaan Masiirkooda? Mise waa inay dhahaan ”Doorashadii GAAS waa 5sano oo Puntland ka luntay waana iska sugaynaa inta u hartay GAAS” oo waa su’aale maxaad ugu imaanaysaan GAAS 5 sano ka dib?
Daawo Video
Puntlandes.com