Sawirro: Madaxda SSC-Khaatumo oo booqday Furimaha difaaca Laascaanood

20 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxwaynaha SSC-Khaatumo C/Qaadir Awcali Axmed oo ay weheliyaan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa boowqday furimaha Laascaanood.

Waxaa sidoo kale ku weheliyey booqashada gudoomiyaha golaha dhexe ee SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin Warsame, Taliyaha Ciidanka, Maayarka degmada Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil qaar ka mid ah Xildhibaanaha golaha dhexe , Saraakiisa sare ee SSC-Khaatumo.

Kormeerka ayaa oo ahaa mid shaqo iyo dhiiri gelin ayey si gooni gooni ah ula hadleen Ciidanka SSC-Khaatumo oo dagaal kula jira Somaliland .

Madaxwaynaha ayaa ku dhiiri geliyey Halgamayaasha SSC-Khaatumo inay sii laba jibaaraan difaacood ay ku ilaalinayaan sharafta Diinta , Dalka , iyo Dadkooda.

About The Author