PLTV oo markii labaad lacag la’aan hawada looga saaray

15  Jun 2015 (Puntlandes)  PLTV  oo ah TVga dawlada Puntland ayaa hawada ka baxay, kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.

Abbaare 4:10 galabnimo ee waqtiga Geeska Afrika ayaa TV-ga hawada laga saaray. Ilo Xog ogaal ah oo  lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta Puntlandes u sheegay in muddo labo bilood ah aysan bixin  dawlada Puntland ee madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kiradii sattelite-ka.

Wararka Warbaahintu heshay ayaa intaas ku daraya in todobaadkii hore Agaasimaha PLTV, Cabdifataax Ashkir kasoo qaaday Wasaaradda Maaliyadda, lacag dhan $10, 000 (toban kun oo doolar), taasoo la sheegay inay ahayd kiradii bishan socota ee June. Lacagtaas $8,000 (siddeed kun) oo kamid ah wuxuu Agaasimuhu ku wareejiyey xisaabiyaha telefishinka, isagoo ku wargeliyey inuu u qaybiyo shaqaalaha istuudiyaha koowaad ee telefishinka oo muddo saddex bilood ah aan qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar kamid ah Shaqaalaha TV-ga oo u Xog waramay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegay inaan cabashadooda waxba aysan ka qaban dawlada Puntland dhawr jeerna ay cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta iyagoo dalbaday in la siiyo xuquuqdooda, laakiin ilaa iyo hadda aysan jirin cid wax ka qabatey cabashadooda.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ku eedeeyey Agaasime Cabdifataax Ashkir wax qabad la’aan iyo in had iyo goor uu ka war wareego in uu shaqaalaha kala hadlo xuquuqda ka maqan ee ay dalbanayaan.

Ma ahan markii koowaad ee uu PLTV hawada laga saaro kadib markii dawladu bixin wayday kirada Satellite-ka, Sep 4, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Telefishinku hawada ka baxay kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.

About The Author