Waxqabad afka baalkiisa ah iyo sheegasho xishood la,aan ah.

15 jun 2015 (Puntlandes) Maanta waxay ahay maalin dadka reer Puntland ay dhegta u wada taagayeen in ay wax ka ogaadaan arrimaha siyaasadda ee Puntland iyo meesha loo wado hadda, illeen waa kii khamiistii dhaweyd lahaa waxbaa la leexshaye. Waxaa la dhawrayey sida dhaqaalaha liita wax looga qabanayo oo  hadduu madaxweynuhu arkay in plan A: gii  lagu Khasaaray in uu soo bandhigo plan B u cuntama dhegaha dadka dhegeysanayey oo uu baarlamaanku ugu horreeyo. Waxaa kale oo la sugayey in uu wax ka yiraahdo iskushaandheyntii baaqatay iyo khilaafka la sheegay in uu ka dhexjiro issaga iyo madaxweynekuxigeen (at least in uu yiraahdo waa la dhameeyey). Waxaa la sugayey ammaanka iyo sida lagu hor marinayo oo uu qodabeeyo iyo waxa uga qorshaysan gobolada maqan iyo kuwa lagu duulaanka yahay iyo waliba aammaanka inta faraha kusii jirta, si dadku u arkaan in aan mardambe la arkin shaqaale qaramada midoobey iyo xildhibaano la laayo.

Sheekadisii waxay ku soo urudhay. SOW SAGAARO IMA BARATO. Iyo in uu abtirsado oo yiraahdo waxaa la i yiraahdaa CABDIWELI INA WAXQABAD BADANE. Ammaan Guud baa sugan iyo meel kastaa cagaaran. Waxaan anigu ku anfariirey hafarida iyo in inta mashruuc bulsho la boobay hadana laga dhigay mid la dhameeyey. Waa markuu lahaa 6 bilood ee la soo dhaafay waxaan dhisnay wadada wadaagsin, waxaa reer Puntland oo dhami ogaayeen in qaaraan laga ururinayey mudo 10 ka badan haba u badnaadeen reer muduge, oo lagu hagaajiyey qayb ka mid ah jidka oo weli qabyo ah. Ogow 30 km uu balan qaaday markuu dalxiiska ku jirey weli waa laga sugayaa. In meel fagaare ah lagu sheegto.

Sidoo kale meeshii beenta ahayd ee bulukeetiga la dhigay baa lasheegtay in ay waxqabad ahayd waa Ceeldaahir iyo Ceerigaabo! Hadda wuxuu ku daray wadada lafa goroyo.

Wuxuu ka dhawaajiyey in uu dhaqaalihii dib u habayn uu ku sameeyey oo ay dhaqan galiyeen canshuurtii berriga. Waa su, aale canshuur kororta iyo mushaar la,aan qayb kasta oo shaqaalaha dawlada ka tirsan, mid rayid ah iyo ciidanba ma is galaan?. Dhaqaale inta la urursado aan dib shilin looga arag ma in lagu faano baa, chanshuur baa la kiciyey? Oo meeday, maxaa lagu qabtaa?

Wuxuu yiri Baanka aduunka baa bixinaya dhaqaale aad u fara badan oo waxay kabayaan, wasaaradaha ugu waaweyn sida waxbarashada, iyo caafimaadka Ogow in miisaaniyadii aad gudbisateen kalfadhigii hore aad ku darsateen iyadoo ka bilaabanaysey bisha afraad ee sanadkaan, xisaabtaas haddaa la idiinkaga baahanyahay in aad soo bandhigtaan. Misse tolow sheekadu waxay noqon BEENEEY WAA RUN??? Oo waxaa hadana loo rari doonaa bisha afraad ee sanadka soo socda si haddana loogu raro bisha afraad ee 2017. Sheeku ma waxaa weeye, kadhimeey kadhimtii ay caruurta Xamar ciyaari jireen.

Xamar iyo  siyaasadda Puntland ee iminka wax uu ka sooqaaday ma jirto marka laga reebo in uusheegay in hadii!!! laga  leexdo wadadii saxda ahyd la tashandoono!!!. Ma hadii baa meesha taal?????.  Sow tan iskadaa wax kalee Baraxley laga naadinayey wax loogu yeeray dastuur Xamar laga keenay oo la lahaa buurtinlaa noo xuduud ah.

Wuxuu yiri waxaan wax ka qabtay xiriirka caalamigaa!!! Bal cidwalbow u bar bardhig Puntland siday ahayd Xilligii Xukuumaddii hore iyo maanta!!! Taas wuxuu u arkaa wax qabad. In socdaalkiisii ugu denbeeyey ee Itoobiya loo soo diray inta wax kale loo quuri waayey ina adeerkiis oo sheegta “safiir wareega!!!!” oo kaligii ah. Sowtii fadeexaddu ka raacday markuu uga sii gudbey talyaaniga oo uu la fariistay madax hoose oo Jubaland kasocotey. Sow tii markay wax moodayeen oo uu cusbaa,  shirkii Tana high-level forum on security in Africa loogu casumay sida herka madaxda imaanaysey, kii danbena markay arkeen in uu is hoos geeyey Villa Xamar sida hooseysa loogu soo dhaweeyey oo xataa magacii Madaxweynaha Puntland laga goostay.

Waxaan ku soo gabo gabeynayaa in arrinta Dr. Gaas ay u egtahay , sheekadii Marie Antoinette oo ahayd naagtii uu qabey boqorkii faransiiska ee la oran jirey Ludvig XVI  oo inta dad GAAJO U BAKHTIYAYA ay gurigeedii qasriga boqortooyada ku yimaadeen mudaharaad iyo in dhibaatada haysata wax laga qabto, bay weydiisey dadkaan maxaa ku dhacay markaas baa loogu jawaabey, waxay  waayeen Rootigii, markaas bay tiri oo may Kake cunaan.

Ninkaan meel walba wuxuu u qabaa sida madaxtooyada!!!! Wax walba wuxuu u qabaan in uu maalin ku sameeye makaas ma fahmi karo waxa dadka ka qaylisiinaya.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author