Guddiga Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka oo ugu yeeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS go’aankii uu ka gaaray joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet

22 Aug 2023 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray 20kii bishaan ku dhawaaqay inay dawladdu xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, hoos ka akhriso qoraalka wasiirka.

Guddiga Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ayaa u yeeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta XFS si su’aalo looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo go’aankii uu ka gaaray joojinta isticmaalka Aaladaha Tiktok, Telegram iyo 1XBet, kaasoo ahaa go’aan aanu Golaha Shacabka ee BFS aysan ka doodin.

Inta badan go’aannada masiiriga ee noocaan ah ayaa mara Golayaasha sharci dejinta ee dalalka ay ka jirto warbaahinta xorta ah, kuwaasoo ka yeesha dooddo adag iyo go’aan gaaris guud.

About The Author