Muuqaal: Hantidhowraha guud ee Qaranka ”Lacagta dekada Garacad lagu bilaabay 20 Milyan oo dollar waxaa iska leh dowlada Somaliya”

23 Aug 2023 (Puntlandes) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo xero ciidan oo kuyaala Gaalkacyo, la gaday iyadoo aan dhankeeda ogolaansho laga haysan, lacagta laga baxshay oo $20malyan oo Dollarna lagu biiriyey Mashruuca dhismaha Dekeda Garacad.

Hantidhowraha Guud Ee Qaranka” Maamulka Puntland waxay iibiyeen Labo xero oo Ciidanka Xooga lahaa lacagtaas ayaana lagu dhisay dakada Garacad arintaasna waxaa xisaabtankeeda uu ka dhaxeeya dowlada federalka iyo maamulka Puntland “.

Lacagtaas ayay sheegtay in ay tahay mid kalifaysa in dekeda la wada leeyahay, taas oo muujinaysa habdhaqanka dawladda Federaalka Soomaaliya, ee ku wajahan gobalka Mudug.

In ka badan 10 xero ciidan iyo Boqolaal dhul dadweyne ayaa laga xaraashay Muqdisho bilihii lasoo dhaafay, ayaan lasoo qaadin sida dhaqaalahooda loo maareeyey iyo shaqsiyaadka qoysaska la siiyay midna.

About The Author