Puntland oo mudeysay fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee la doortay

23 Aug 2023 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay xiliga ay bilaabanayso fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee la doortay.

fqariisinta ayaa waxay bilaabanaysaa 29/08/2023 oo ah maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka ilaa Bisha September,2023.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda:

Mudeynta fariisinta goleyaasha deegaanka degmooyinka puntland ee la doortay.

Ku: Dhammaan Xubnaha Goleyaasha

Deegaanka Degmooyinka ee la soo doortay

Ku: Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland.

Ku: Guddoomiyaasha Goboladda Puntland.

Ku: Xisbiyada Siyaasadda Puntland

Ku: Taliyaha Booliiska Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDT Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland

Og: Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ujeedo: Wargalin shaacinta Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, waxay idin ogaysiinaysaa in la bilaabayo fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee la soo doortay laga bilaabo 29/08/2023 oo ah maalinta daahfurka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka ilaa Bisha September,2023.

Sidaa daraadeed, Wasaaraddu waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada, Degmooyinka, Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay iyo Xisbiyada siyaasada qodobadan soo socda:-

1. Waa in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.

2. Waxaa Guddoomiyaasha Gobolada lagu wargalinayaa in ay ka qeyb-qaataan Fudeynta iyo Fariisinta Goleeyasha Deegaanka.

3. Waa in xisbiyada siyaasadu soo gudbiyaan liisaska kama danbeysta ah ee xubnaha ugu sharraxan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Goleyaasha Deegaanka, sida ugu dhakhsaha badan.

4. Waa In Xisbiyada siyaasadu ku wargaliyaan xubnahooda Goleyaasha deegaanka in ay u diyaar garoobaan fariisiinta Goleyaasha Deegaanka.

Ugu danbeyn, Waxaan rajaynayaa in aad si mug leh uga qeyb-qaadataan dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka si ay u gutaan waajibaadkii ay bulshadu u soo dooratay oo ah in ay si hufan ugu adeegaan.

FG: Qorshaha oo faahfaahsan Wasaaraddu waxay la wadaagaysaa Xisbiyada siyaasada iyo Degmooyinka si ay ugu diyaar garoobaan jadwalka fariisinta Goleyaasha Deegaanka.

Dhammaad

About The Author