Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo ku sugan gobolka Gedo oo waxa gurigiisa Kismayo baaritaanno ka sameeyey ciidamada maamul kaasi

24 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddadii ugu badneyd ku sugan gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo, iyadoo la hadal hayo inuu ka bixi rabo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa waxa gurigiisa Kismaayo baaritaanno ka sameeyey ciidamada maamul Axmed Madoobe.

Ma cadda ujeedada ciidamadu u galeen guriga madaxweyne ku-xigeen, sidoo kalena weli ma cadda in Maxamuud Sayid uu ka huleeli rabo Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa u idlaatay afar sanno oo loo doortay hogaamiyaha Jubaland, waxaase u bilaabatay sannad uu korarsaday kadib markii isbeddel lagu sameeyey dastuurka maamulkaasi.

About The Author