Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo Gaalkacyo kulan kula yeeshay Isimada gobolka Mudug ee Puntland

24 Aug 2023 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa kulan gaar ah la qaatay Isimada gobolka Mudug ee Puntland, kuwaas oo uu hoggaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Kulanka oo sidoo kale ay wasiirka ku Wehliyeen xildhibaannada barlamaanka Federaalka ah ka tirsan ee kala ah Xil. Cabdisalaan X. Axmed Liibaan (Dhabancad) iyo Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cagaweyne) iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa inta uu socday waxaa ay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Fiqi iyo Isimada Mudug ee Puntland ka wada hadleen dadaalada nabadda iyo dibuheshiisiinta ka socda gobolka Mudug oo ay garwadeenka ka yihiin isimada dhaqanku.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey isimada hawlgallada dalka looga sifaynayo Khawaarijta gaar ahaan deegaanada ay ka haystaan gobolka Mudug iyo Galgaduud.

About The Author