Ciidanka SSC-Khaatumo oo Ciidanka Somaliland kala wareegeen aagga Maraaga

25 Aug 2023 (Puntlandes) Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen, waxay kusheegeen in ay Somaliland duulaan kusoo qaaday magaalada Laascaanood, dhankoodana ay iska difaaceen.

Sida qoraalka lagu sheegay, SSC-Khaatumo waxay sheegtay in dagaalka oo socda ay guul ka gaareen dhinaca Maraaga oo ay bilihii u dambeeyey labada dhinac ku dagaalamayeen ahna marin muhiimad ugu fadhiya SSC-Khaatumo.

Maxaabiis iyo gaadiid dagaal in ay qabteen ayay sheegen maamulka SSC, sida qoraalkooda ay ku cadeyeen, mana aysan bixin tiro ama faahfaahin dheeraad ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidanka SSC-Khaatumo ay Ciidanka Somaliland kala wareegeen aagga Maraaga oo ah marin muhiim u ah wada Laamiga ah ee laascaanood iyo garowe.

About The Author