Muuqaal: Muuse Biixi ”shacabka Somaliland waxa la gudboon inaynsan niyadjab iyo dareen aan tognayn siinin dagaal maalin dhacay…”

26 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shir lagaga tashanayo dhibtii iyo khasaarihii ka dhashay degaalladii shalay ka dhacay deegaannada ku hareeraysan magaalada Laascaanood la qaatay  guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), murashaxa xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), xubno kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii shacabka reer Somaliland ugu midoobi lahaayeen xaaladda soo korortay.

Muuse Biixi ayaa yiri ”Shacabka Somaliland waxa la gudboon inaynsan niyadjab iyo dareen aan tognayn siinin dagaal maalin dhacay oo aanay u qaadan inuu dhacay dagaal weyn oo laga baqaa, ciidankuna sidiisii yahay, xooggiisii, fikirkiisii, geesinimadisii iyo dal jacaylkiisiiba waa sidiisii, haddana wuu habaysan yahay, dhibaatadaasna degdeg baynu uga soo waaqsan doonaa oo aynu uga Aar gudan doonaa cadowga huwanta ah ee dhibaatadaasi inaga soo gaadhay, waxana inala gudboon midnimo gudaheenna ah oo ah markay qaranka tahay inaynu meel uga soo wada jeedsanno”

Madaxweyne Biixi waxa uu farriin cad u diray beesha caalamka, waxana uu sheegay inaanay ciidamada Somaliland waxba u noqonaynin arrintii shalay dhacday, siina wadi doonto kaalinteedii nabadeed ee ay caalamka ugu jirtay, waxana uu yiri “Caalamka waxanu u sheegaynaa inaan dhibtii yarayd ee shalay aanay Somaliland gilgilaynin oo ay  sideredii u shaqaynayso oo hay’ad kastaa hawsheedii socoto, dalkastana intan oo kale way ka dhacdaa, intii aannu nabadda mandaqadda ilaalinaynay haddii ay badda cas tahay iyo haddii ay dalalka deriska nabaddii aannu la wadaagaynay tahayba ay halkeedii tahay, qaranka Somaliland-na loo baqan maayo”

About The Author