Muuqaal: Hadaljeedinta Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ka hadlay dagaalkii Somaliland looga saaray gobalka Sool & Damaca cusub ee Madaxweyne Biixi

27 Aug 2023 (Puntlandes) Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa jeediyey ayaa sheegay in dadka SSC duullaan ku ahayn deegaanada dadka dariska ah, diyaarna u yihiin in ay nabad ku wada noolaan.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa yiri “Luuqadii uu yaqaanay ee uu rabay Muuse Biixi ayaan kula hadalnay 25kii August, maleeshiyaadkiisii ayaana anigu abaalkooda marinay shacab ma aanan weerarin”

Hoggaamiye Firdhiye ayaa yiri “Muuse Biixi, wali waxaa muuqata in uu colaad u ooman yahay, laakiin waxaan leenahay Ciidankii iyo dadkii casharka kudhigay waa diyaar, laakiin marnaba anaga shacab duulaan kuma nihin”

Firdhiye ayaa yiri “Somaliland waxaan ka qabanay, 218 Maxbuus oo aan dhaawac qabin iyo 42 Maxbuus oo dhaawac ah, taas oo tirada guud ee maxaabiista ah 260 Askari ilaahadda, Maxaabiista waxa ku jira saraakiil ah dambiilayaal dagaal ah, gacanta ayaan ku haynaa Hay’addii xaqqa u lahaa ayana u gudbinay”

Ciidankii Somaliland, ayuu sheegay in Hub ka dhigis lagu sameeyey, taas oo maslax u ahayd Geeska Afrika iyo bulshada gobalada Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Hoggaamiye Cabdirqaadir Axmed waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Muuse Biixi soo abaabulo weerar kale mas’uuliyadda wixii ka dhasha in uu isagu qaadi doono.

About The Author