Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo Gaalkacyo gaaray

27 Aug 2023 (Puntlandes) Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo ku matala gobolka Mudug, ayaa  maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo. Wafdigan ayaa ka kooban saddex Senator iyo labo Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan.

Lama faahfaahin u jeeddada socdaalkooda, balse waxaa la sheegay inay Gaalkacyo u yimaadeen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen nabadeynta iyo heshiisyada qabaa’ilka ee meesha looga saarayo dilalkii muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay Gaalkacyo ee salka ku hayay aanada qabaa’ilka.

Garoonka Cabdullaahi Yuusuf ayay ka soo degeen saaka, balse dawladda Puntland ayaa waxay u diiday in loo sameeyo soo dhawayn ballaaran oo ay iyagu dhallinyaro ka dalbadeen.

About The Author