Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug oo xukun dil ah ku riday labo nin

27 Aug 2023 (Puntlandes) Maxkamada Darajada Koowaad magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu kala magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Axmed Yuusuf kuwaas oo maxakabadu sheegtay inay ku heshay dil ay u geeysteen Naciimo Cabdiwali Cismaan.

Labada nin ayaa ku dilay Naciimo sida Maxkamadu caddaysay Duleedka Magaalada Buursaalax ee Gobolka Mudug, Labada nin ee Xukunka lagu riday Mid kamid ah ayaa qabay Gabdha la dilay.

Maxkamadda oo go’aankan soo saartay kaddib afar fadhi oo kiiskan ay ka yeelatay ayaa sidoo kale sheegtay inuu furan yahay racfaan 30 berri ah.

About The Author