Maamulka SSC-Khaatumo “Soo afjaridda duullaankii Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Cayn”

28 Aug 2023 (Puntlandes) Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war qporaal ah oo uu soo saaray waxay ku sheegeen inay soo afjareen Duullaankii maamulka Somaliland uu ku hayey deegaanadooda.

Qoraalka ayuu maamulku ku sheegay inay Maxmaabiista ay hayaan ee galay dambiyada dagaal ay gacanta ku hayaan laamaha ammaanka iyo hay’adaha cadaalladda lana soo taagi doonaa maxkamad.

Sidoo kale maamulka ayaa Taangiyada, madaafiicda iyo hubka kale ee waaweyn ee ay ka qabsadeen Somaliland 25kii bsihii Agoosto 2023 uu maamulku dhawaan kala wareegi doona ciidamada difaaca ee SSC-Khaatumo, lana soo bandhigi doonaa.

Hoos ka akhriso qoraalka maamulka SSC-Khaatumo:

Soo afjaridda duullaankii Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Cayn

Laascaanood, Agoosto, 28, 2023: Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u sheegayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeed in dadka SSC soo gabagabeeyeen duullaankii Somaliland ee dulmiga ahaa iyaga oo difaacay sharaftooda iyo madax bannaanida Soomaaliya. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ku hawlan yahay xasllinta deegaanka si ay uga saaraan ciidamada magaalada Laascaanood, dib u dejinna u sameeyaan dadkii barakacay iyaga oo u fidinaya gargaar bulsho.

SSC-Khaatumo waxa ay xaqiijineysaa in maxaabiista la daryeeli doono, xuquuqdoodana la sugayo iyada oo la qadarinayo shareecada Islaamka, dhaqanka Soomaalida iyo xeerarka caalamiga ah. Maxaabiista deegaankan ku galay dambiyada dagaal waxaa hadda gacanta ku haya laamaha ammaanka iyo hay’adaha cadaalladda waxaana la soo taagi doonaa maxkamad. Taangiyada, madaafiicda iyo hubka kale ee waa weyn ee uu Maamulka SSC-Khaatumo ka qabsaday Somaliland 25kii bsihii Agoosto 2023 Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhawaan kala wareegi doona ciidamada difaaca ee SSC-Khaatumo, waana la soo bandhigi doonaa.

Maamulka SSC-Khaatumo kuma duuli doono taako ka mid ah dhulka ay leeyihiin

qabaa’ilada dariska ah, umana gudbi doonno gudaha Somaliland. Waxaan rejeyneynaa in aan iska kaashanno ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee naga dhexeeya si nabad loogu wada noolaado. Hase ahaatee, waxaan ka digeynaa hub uruursiga uu ku fooggan yahay Maamulka Somaliland, umana dulqaadan doonno weerarro nooga yimaadda Maamulka Somaliland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

About The Author