Muuse Biixi oo aqbalay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habar Jeclo ee Arrimaha Doorashooyinka

30 Aug 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne oo uu soo saaray ku aqbalay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habar Jeclo ee Arrimaha Doorashooyinka. .

Muuse Biixi ayaa labada aqal ee Guurtida iyo Baarlamaanka ka codsaday inay shruucda waafajiyaan soo jeedintaas.

Hoos ka akhriso wareegtada

WAREEGTO MADAXWEYNE: 30 /08/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland.

About The Author