Sawirro: Axmed Karaash oo kormeeray Taliska Goojacade

30 Aug 2023 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Sool ayaa maanta kormeeray Taliska Goojacade oo ahaa Saldhigii ugu weynaa xarumaha lagala wareegay Maamulkii Somaliland ee laga saaray Gobolka Sool.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeeray xarumaha kala duwan ee Taliska Goojacade, Kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka ee halkaasi ku sugan Hadda, isagoo ku boggaadiyey guusha ay usoo hooyeen dadkooda iyo deegaankooda.

About The Author