Sawirro: Axmed Karaash oo safar taariikhi ah ku jooga Gobolka Sool

30 aug 2023 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho ku tegay Degmada Laascaanood ilaa iyo meel u dhaxaysa Guumays iyo Oog, halkaasi oo todobaadkan laga saaray Ciidankii maamulkii Somaliland ee kusoo gardarooday dadka deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa Gobolka Sool kusoo dhoweeyay Masuuliyiinta SSC, Waxgaradka iyo Saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Sool, wuxuuna booqday illaa deegaanka Guumeys oo u dhow difaaca hore ee Gobolka .

Wuxuu Madaxweyne ku-xigeenku boggaadin iyo dhiirigelin la wadaagay Bulshada Gobolka Sool, isagoo inta uu ku suganyahay Laascaanood kulamo la qaadan doona Masuuliyiinta SSC, Hoggaanka dhaqanka, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Laascaanood.

About The Author