Sawirro: Axmed Karaash oo Guutada 26-aad ee Ciidanka difaaca SSC ka sagootiyey Laascaanood

30 aug 2023 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guutada 26-aad ee Ciidanka difaaca SSC ka sagootiyey magaakada Laascaanood.

Ciidankaan ayaa fadhiisin ka dhiganaya Salinta Guumeys oo ah difaaca deegaanka.

Axmed Karaash ayaa kula dar-daarmay guud ahaan Saraakiisha ciidanka SSC ee ku sugan xuduudaha inay ka fogaadaan waxkasta oo gabood fal ah sidoo kalena ay heegan u ahaadaan dhagar kasta oo cadowgu maleegayo isagoo ku kalsoon Awoodooda iyo xirfadooda sare.

About The Author