Isimada & Nabaddoonada Beelaha Cumar Maxamuud oo ku heshiiyay in dilka & magta la waafajiyo shareecada Islaamka

31 aug 2023 (Puntlandes.com) Isimada iyo Nabaddoonada Beelaha Cumar Maxamuud ayaa ku heshiiyay in dilka iyo magta la waafajiyo shareecada Islaamka.

Maanta ayaa waxas la kala saxiixday heshoiska berluhu ku qasteen ShareecadaIslaamka, kadib shir maalmahaan uga socday magaalada Gaalkacyo, kaasoo uu shir guddoominayay Islaan Bashiir Islaan Cabdille.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa kala ah:
1-In qofkii qof dila la dilo.
2-In magta la siiyo oo si dhameystiran loogu wareejiyo cidda dhaxalkeeda leh.

Sidoo kale waxaa socda shirar u socda isimada gobalka Mudug iyadoo la filayo in dhawaan laga soo saaro war rasmi ah.

About The Author