Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

02 Sep 2023 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulamo la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka X.D.S. iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Waxa uu sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

About The Author