Sawirro: Axmed Karaash oo tababar usoo xiray askar ka tirsan Ciidanka Booliska

02 Sep 2023 (Puntlandes.com) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar usoo xidhay in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo dhameystay tababar 3-Bilood iyo 15Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in tababarka ay qaateen uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda.

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland, Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.

About The Author