Dhagayso: RW Sharmarke ”Koonfurta Mudug iyo Galgaduud weeye maamulka cadaado laga samaynayo”
16 jun 2015 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo ay waraysatay idaacada VOA ayaa waxa uu ka hadlay Arrinta Baarlamaanka Jubaland, Gobolka Mudug ee Puntland iyo Hiigsiga 2016ka.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa waydiisay Ra’iisul Wasaaraha Mooshinkii Baarlamaanka Jubaland wuxuuna ku jawaabay in ay Arrin Siyaasad tahay ayna u xilsaaran yahay Xukuumadiisa uuna ku hawlan yahay xalinta Cabashooyinka dadka Degaanka. RW Sharmarke ayaa intaas ku sii daray inay Beesha Caalmka ku taageertay Qorshisa.
Waxay hale oo ay waydiiysay RW Sharmarke Ergada ka socotay dhanka Puntland oo loo diiday inay ka qaybgalaan shirka Cadaado wuxuuna ku jawaabay ”Dastuurka KMG ah wuxuu qabaa in Gobol uu gooni u istaagi karo sidaas oo kale weeye maamul Koonfurta Mudug iyo Galgaduud” isagoo si cad u sheegay inuusan Qusayn Dhanka Puntland ee Gobolka Mudug.
Dhagayso waraysiga lala yeeshay RW Sharmarke
Puntlandes.com