Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey 9 xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC)

05 Sep 2023 (Puntlandes.com) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxay ansixiyeen 9 xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC).

Fadhiga oo ay goobjoog ahaayeen 40 Xildhibaan ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 39 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah;

1. Fu’aad Abshir Axmed

2. Axmed Jaamac Maxamed

3. Axmed Maxamuud Cumar ( KK )

4. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)

5. Maxamed Abshir Garaad

6. Maxamuud Soofe Xassan

7. Cabdullahi Maxamed Barre ( Caato)

8. Marwo Faadumo Siciid Axmed

9. Cabdinuur Maxamuud Maxamed Ubbaale

Dhinaca kalena, waxaa maalinta sabti 9ka bisha September si rasmi ah loo dhammeystiri doonaa xubnaha kale ee Xisbiyadda Siyasadeedka Puntland kuwaa oo codsi ay soo gudbiyeen horay ugu codsaday in wakhti dheeraad ah la siiyo.

About The Author