Muuwqaal: Nuux Taani “Maanta maalinteeda waxaan rabaa in aad keentaan guul weyn oo cadowga jabisaan”

05 Sep 2023 (Puntlandes.com) Ciidan cusub oo Soomaliland qortay ayaa lagu soo dhaweeyey Deegaanka Oog oo hadda fariisin ciidan u ah ciidamada maamulka Soomaliland oo 25kii bishii hore xoog looga soo saaray deegaanada SSC-Khaatumo.

Saraakiil uu kujira Taliyaha Ciidanka ee maamulka Nuux Taani ayaa ka codsaday inay noqdaan Ciidamo adkaysi u leh dagaalka.

Taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani ayaa yiri “Maanta maalinteeda waxaan rabaa in aad keentaan guul weyn oo cadowga jabisaan, oo aan isku waraysano meel aan halkan aheyn, aniguna waan idin hor-soconayaa waana idinla joogayaa”

Sidoo kale waxaa ciidanka la hadlay Wasiirda Arimaha Gudaha, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda, iyagoo ku booriyey inay dagaalamaan.

About The Author