War deg deg ah Wasiirka Cusub ee deegaanka oo is casilay.

131c

16 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirkii cusubaa ee deegaanka Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay inuusan waxba kala socon xilka cusub ee uu madaxweyne Gaas u magacaabay.

Dr:Cali Cabdullaahi Warsame ayaa Warbaahinta u sheegay inan xitaa lagala tashan magacaabistiisa isla markaana uusan ku qanac sanayn xilka uu Gaas u magacaabay , wuxuuna tilmaamay inuu u eg yahay mid Siyaasadiisa lagu xumaynayo.

 Warsame ayaa hoosta ka xariiqay inuu Nairobi u jooga howlo shaqo oo isaga ugaara, balse ay la yaab ku noqotay inuu isku dhex arko liiska wasiirada isagoon laga tashan.

Dr:Cali Cabdullahi Warsame ayaa Wasiirka Caafimaadka kasoo noqday dowladdii madxaweyne  Farole  .

Puntlandes.com

About The Author