Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo gadooday ayaa lawareegay xaruntii Ciidanka ee Bosaso

06 Sep 2023 (Puntlandes.com) Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo gadooday ayaa waxay la wareegeen guud ahaan xaruntii Ciidankaasi ku lahaa magaalada Bosaso iygoo diiday in laga baxo iyo in la soo galo.

Ciidanka ayaa agaasimaha PMPF Cabdulrab Nuur u diiday in uu xarunta galo isagoo dib ugu laabtay magaalada.

Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya gadoodka Ciidanka Imaaraadka Carabtu maalgaliyo, kuwaas Sheegay in xaaladan ay keeneen arimo ay ka mid yihiin xuquuq isugu jirta mushaaarkii ciidanka Gunooyinkii oo ka maqan iyo khilaaf ku saabsan dagaalkii laascaanood oo Imaraadku diidanaa in PMPF qayb ka noqoto.

Dhinaca kale Ciidankii PMPF ee Garowe ku sugnaa ayaa askar ka tirsan la fikatay 6 qori oo isugu jira PKM iyo Ak 47.

About The Author