Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka & odayaasha dhaqanka

06 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadandoonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

About The Author