Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo shaqada kajoojiyay Wasiirka Arimaha Gudaha kuna eedeeyey inuu xagal daaciyay Dagaalka Alshabaab

06 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shaqada ka joojiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel), isagoo ku eedeeyey inuu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,

Sdoo kale madaxwayne Kuxigeenka Galmudug ayaa waraysi uu siiyey SMS TV ku eedeeyey madaxwayne Qoor qoor iyo Wasiir Waayeel in ay fashilnayaan dagaalka la gula jiro Alshabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa yiri “Qoorqoor wuxuu wadaa khiyaamo qaran, wuxuuna xagal daacinayaa madaxweyne Xasan Shiikh”

About The Author