Madaxweyne Qoorqoor oo buriyay shaqo joojintii kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

06 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa buriyay waraaq kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo uu shaqada uga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Madaxweyne Qoorqoor ayaa qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa ku yiri “Talaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug”

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa qoraalka ku caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug ayna shaqadooda wataan.

About The Author