Cali Ciid ”Warqada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Qoorqoor dastuurka ayay baalmarsan tahay”

06 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sharci daro ku tilmaamay xaashidii uu madaxweyner Woorqoor ku buriyey in shaqada uu ka joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu yiri ”Warqada ka so baxday Xafiiska Madaxweyne Qoor Qoor waxay baalmarsantahay Dastuurka Galmudug Shaqo ka joojinta Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Galmudug na wa dhaqan gal”

”Sido kale Xilkaqadistii Golaha Deeganka Caabudwaq ay ku sameyeen Gudomiyihii hore iyo kuxigeenkisa ayadan wa dhaqangal waxana Gudiga Doorashada faraya in Doorasho Xor iyo Xalaal ah la qabto”

”Waxaan faraya Hay,adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaarada Arimaha gudaha Galmudug in aysan la macaamilin Wasiirki hore ee Shaqada laga joojiyay hay,adi la macaamishana in Tilaabo Sharci ah laga qaadi doono”

About The Author