Isimada gobalka Mudug oo Gaalkacyo ka saaray go’aano muhiim ah oo xal u ah dilalkii ka dhacayay gobalka Mudug

07 Sep 2023 (Puntlandes.com) Isimada gobalka Mudug oo maalmihii la soo dhaafay kulamo uga socdeen magaalada Gaalkacyo ayaa iyaga oo isku duuban soo saaray go’aano muhiim ah oo xal u ah dilalkii ka dhacayay gobalka Mudug.

Isimada gobalka Mudug ayaa isku raacay oo qalinka ku duugay in magta iyo dilka la waafajiyo shareecada Islaamka. Sidoo kale waxay go’aan ka soo saareen dhacdooyinkii horay gobalka uga dhacay.

Qaybaha bulshada ayaa muddooyinkii dambe Isimada iyo nabadoonada ugu baaqaya in wax laga qabto xaalada sii xumaanaysa ee gobalka.

About The Author