Sawirro: Wadada AUN Xasan Garabey ee degmada Bursaalax oo xariga laga jaray

08 Sep 2023 (Puntlandes.com) Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08da september 2023 xariga laga jaray degmada Bursaalax wadado Laami ah oo loogu magac daray AUN Xasan Yuusuf Dhuux (Xasan Garabey) oo qayb lixaad leh kasoo qaatay horumarka ay ku talaabsatay degmadu.

Wadadaan oo dhererkeedu yahay 1km ayaa isku xiraysa bartama magaalada iyo Mashruuca horumarinta degmada Bursaalax waxaa dhistay Shirkada wadaniga ee Kebarco Construction CO.

Munaasabada Xarig jarka wadada ayaa waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha degmada Bursaalax Maxamed saleebvaan Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali, gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland C/fitaax Maxamed Sugule, madax kale, qaar ka mid ah Isimada gobolka Mudug, Siyaasiyiin, waxgarad, Ganacsato, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haweenka degmada Bursaalax.

Wadadaan oo dhan 1km ayaa loo dhisay hab iskutashi Bulsho iyo Dowlad ah, waxaana loo mahadceliyay dhamaan cidii ka qayb qaadatay dal iyo dibadba.

Wadada AUN Xasan Garabay ayaa waxaa dhawqaalaha ku baxay lagu baxshay si iskutashi  ah oo ay ka qayb qaateen shacabka magaalada iyo qurbojoog.

AUN Xasan Yusuuf Dhuux oo Abaalmarin caalami ah lagu gudoonsiiyey Gobolka Victoria ee dalka Australia.

Waa Kuma Xasan Yusuuf Dhuux?

Xasan Yusuuf Dhuux wuxuu ku dhashay xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1944 isagoo waxbarashada ilaa dugsi sare ku soo qaatay Caasimadii Somalia ee Muqdisho. Bartamihii lixdameeyadii Xasan Yusuf Dhuux wuxuu waxbarasho jaamacadeed u aaday dalka Talyaaniga, kadibna dalka ayuu dib ugu soo noqday. Wuxuu Xasan Yusuf Dhuux ka baxay Somalia 1978 isagoo kamid ahaa dadkii uga baxay Somalia tacadiyadii uu Rajiimkii Siyad Bare dadka ku hayey.

Xasan Yusuf Dhuux ayaa wuxuu ka shaqeeyey qayb lixaad lehna ka qaatay isagoo ka mid ahaa dadkii unkay Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo la aasaasay 1999. Mashruucaan oo ah mid aad u najaxay daboolayna baahiyo farabadan oo ay dadka degaanku qabeen. Wuxuuna soo saara dhalinyaro caafimaad qabta sidoo kale wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay Humarka Magaalada Bursaalax iyo nabada degaankaba.

Halkaan ka akhriso buug uu Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Dhuux ka qoray aasaaskii mashruuca: Taariikhdii Mashruuca Horumarinta Bursaalax, Waxaa diyaariyey: Xassan Yuusuf Cali

Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Dhuux (Xasan Garabeey)ayaa 1990maadkii waxa uu degey dalka Australia isagoo ka shaqeeyey Jaaliyadda dalkaas waxa uuna AUN 08dii marso 2019 ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia.

About The Author