Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey 3 xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC)

09 Sep 2023 (Puntlandes.com) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxay ansixiyeen 3 xubnood oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC).

Fadhiga oo ay goobjoog ahaayeen 40 Xildhibaan ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 39 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah:

1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam

2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul)

3. Ubax Cabdullahi Abshir

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayey tirada uu Baarlmaanku ansiyey waxay noqonaysa 12 xubnood, iyadoo 5ii bishan la ansixiyey 9 xubnood.

Waxaan soo gudbin xubnahoodii labada Urur ee kala ah Mideeye iyo Horseed, halka 12ka la ansixiyey ay ka kala yimaadeen 7 dawladda ah iyo 5 Urur siyaasadeed.

About The Author