Dr Sakariye oo ay Gaalkacyo ku dileen dabley hubaysan

10 Sep 2023 (Puntlandes.com) Sadex nin oo  hubaysan ayaa xalay waqooyiga Gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo kamid ahaa dhaqaatiirta magaaladaas.

AUN Sakariye ayaa waxaa lagu toogtay gudaha xarun caafimaad oo uu ka hawlgalyay, iyagoo dableydii goobta ka baxsadee.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa joogto uga socday dilalka aanooyinka Beelaha la isugu gaysto, laakiin Isimada iyo Nabadoonada gobolka Mudug ayaa goaamiyey maalmo ka hor in qofkii qof dila la qisaaso.

Ciidanka amniga Gobolka Mudug weli kama hadlin dhacdadan dilka ah oo lala xiriirinayo aanooyinka qabiilka ee ku soo noq-noqday Gobolkaas.

Ururka dhaqaatiirta Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Dr Sakariye ayaa sidoo kale laamaha amniga ka dalbaday in si deg deg ah sharciga loo horkeeno ciddii ka danbaysay dilkiisa.

About The Author