Sawirro: Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo ka dooday Muddo kororso loo sameeyo…..

12 Sep 2023 (Puntlandes.com) Kulan ay isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uuna gudoominayey Guddoomiyaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa markii u horreysey si furan waxay uga doodeen iany muddo-kororsi isu sameeyaan iyaga iyo xukuumadda Madaxweyne Deni.

Xubnaha Guddiga-joogtada ee golaha ayaa ka doodau in waa sida ay u dhigeene ay baahi xoogan u qabaan in muddo-kordhin laba sanno ama sadex ah loo sameeyo hey’adaha dowladda, maadaama bay sheegeen mudanayaasha uu dalku ku jiro xaaladda gobolka Sool iyo muddada hartay oo kooban.

Muddo dooddu socotey ayaa waxa gunaanadkii laysla qaatay in la sugo Madaxweynaha oo safar dibadda ku maqan, sida tilmaamayaan ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Siyaasiyiinta mucaaridka Puntland iyo waxgaradka ayaa hore xukuumadda Deni ugu eedeeyey in ay dimuqraadiyadda ugu hoos duugan tahay muddo-kororsi.

Kama jira Puntland sharci u ogolaanaya inay golayaasha dawladdu muddo kororsi samayn karaan, waxaana intii ay jirtay Puntland isku dayey madaxweynihii ugu horeeuyey taas oo keentay dagaal khasoorobadan dhaliyey.

About The Author