Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC oo guddoomiye iyo gudoomiye kuxigeen doortay

12 Sep 2023 (Puntlandes.com) Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa waxay doorteen guddoomiye iyo gudoomiye kuxigeen ka yimid dhanka dawladda.

PEC ayaa guddoomiye u doortay Fu’aad Axmed Adeer, halka ay ku xigeenkiisana u doorteen Axmed Maxamuud [KK].

Labada mas’uul ee la doortayba ayaa waxaa soo magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyadoo uu madaxweyne Deni magacyada u gudbiyey.

Fu’aad Axmed Adeer aya akasoo jeeda Cumar Maxamuud, halka uu kasoo jeedo Axmed Maxamuud [KK] Warsangeli.

Baarlamaanka cusub ee bedeli doona midka iminka jira ayaa waxay tahay in la dhaarsho dhamaadka bisha dicember 2023ka oo ay jka ahrsan tahay 3 bilood oo qura.

About The Author