Sawirro: Siyaasi Nuuradiin Aadan Dirie oo booqasho ku tagay Laascaanood

12 Sep 2023 (Puntlandes.com) Siyaasi Nuuradiin Aadan Dirie oo booqasho ku tagay magaalada Laascaanood oo dhawaan ciidamada SSC-Khaatumo ka xoreeyeen maamulka Somaliland.

Nuuradiin ayaa kulan la yeeshay Isimadda SSC iyagoo ka wada hadlay xaaladda deegaanada SSC.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale ayaa qoraal uga hadlay booqashada siyaasga, hoos ka akhriso:

“Alxamdulilaah waxa maanta sharaf iyo farxad noo ah inaan ku soo dhaweyno Xarunta Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo, Mudane Nuuradiin Aaden Diiriye iyo wafti uu hogaaminayo. Waftigaan ayaa ku socdey maqaam heer caalami ah oo ku aadan arimaha nabadeynta degaanka iyo geeska Africa. Kulankaas is xog wareysi iyo talo wadaag buu noogu soo dhamaadey. Mudane Nuuradiin iyo waftigiisaba waa uga mahad celineynaa imaanshihiisa iyo booqashadiisa uu nagu soo siyaartey maanta. Alle ha barakeeyo oo haku nabad cesho degaanadiisii.”

About The Author