Xubuntii Maxkamada sare hakisay ee PEC oo u codaysay doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenka PEC

12 Sep 2023 (Puntlandes.com) Xubuntii Maxkamada sare ee Puntland ay hakisay shalay ee gudiga Doorashada Puntland ee PEC ayaa ka mid ahayd xubnaha u codeeyey doorashada Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Gudiga ee maanta la doortay, taas oo ka dhigan in aan loo Hogaasamin go’aanka maxkamada isla markaana si cad loo diiday.

Xubnaha guddiga doorashooyinka PEC ayaa si cad u jebiyay go’aankii shalay ee Maxkamadda sare ku hakisay xubin lagu muransan yahay oo ay dacwad ka soo gudbiyeen mas’uuliyiinta urur siyaasadeedka shaqaalaha ee Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in aysan Maxkamadu awood u lahayn in shaqada ka joojiso Gudiga.

Maxkamadda ayaa lagu hakiyay xubinimada Faadumo Siciid Axmed oo kamid ah guddiga PEC kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen xubno ka tirsan Ururka shaqaalaha ee Puntland, halkaan ka akhriso qoraalka Maxkamadda, halkana ka akhriso qoraalka gudoomiyaha.

About The Author