PUNTLAND: LIX BILOOD OO DOCOSHO AH KA DIB XAALKU WAA KA DAR OO DIBI DHAL

Dawladdii cusbayd ee laga sugayay madaxweynaha ilaa bishii koowaad ee sannadkan xaalkeedu waxa uu noqday ka dar oo dibi dhal!!  Golaha Wasiirada ee uu magacaabay Madaxweyne Dr. Cabdiwali Cali Gaas waa mid aad loola yaabay! Waa mid aad uga tayo xun tii ka horaysay!  Maxaa yeelay marka dhan laga eego waxaa gabi ahaanba ka maran miisaankii gobollada u dhexeeyay oo gobollada qaarkood ayaa aad u dulman, halka kuwo kalena loo sad buriyay.  Marka dhan kale laga eego goluha cusub xul loo qaateen ah ma aha!! oo waxaa ka mid ah afar Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Faroole, kuwaas oo kala ah: Wasiirka Ganacsiga Cabdiwali Indhagaruna, Wasiirka duurjoogta Dr. Cali Cabdullaahi, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Cabdi Cismaan Maxamed & Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Qarjab oo isagu taariikh madaw ku leh siyaasadda Puntland.  Qarjab oo aan lahayn aqoon & garasho maamul oo uu Wasiir ku noqdo, waxa uu dawladdii Faroole ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal.  Waa ninkii diiday in ay mucaaradkii Faroole soo galaan Garoowe, sida la ogyahayna waxa uu garaac & dhaawac ka dib khasab magaalada uga saaray odayaal Bari ka yimid oo ku socday magaallada Garoowe.

Madaxweyne Dr. Cabdiwali oo niyad xumo & karti la’aan lagu xanto, maanta isaga ayaa bannaanka soo dhigay wixii la qarin jiray.  Maxaa yeelay dawladda uu soo magacaabay waa mid ay aad u saluugeen dhammaan dadka samaha jecel ee reer Puntland. Dawladdan cusub waxaa ka dhex muuqda haraagii dawladdii Cabdiraxmaan Faroole, sidoo kale waxaa ka muuqda sawir aad u foolxun oo muujinaya in awooddii & wax qaybsigii reer Puntland uu meesha ka maqan yahy,  gobol gaar ahna mudnaanta la siiyay.

WQ: Abdirazak M. Hersi

Email. abdirazakmuuse@gmail.com

About The Author