Sawiro: Suldaan CabdiQani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale oo Nairobi kula kulmay masuuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jabriil
17 jun 2015 (Puntlandes) Magaallada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey Suldaan CabdiQani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baale, wuxuuna halkaas kula kulmay masuuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jabriil, ooo kamida Xildhibaanada Dawladda Federalka eee Soomaaliya, iyo bulshada qaybaheeda kala duwaan.
Waxaa magaalada Nairobi ka dhacday kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne aad u fara badan culumo waxgarad haween iyo siyaasiyiin. Waxaana kulan kaan lagu soo dhawaynayay Suldaan Cabdi Qani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baalle iyo xildhibaan C/bare Yusuf Jibriil oo ka mid ah Baarlamaanka Feedaraalka Soomaaliya, waxa uuna ka dhacay magaallada Nairobi. Dalka Kiinya..
Kulankaan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u kala duwan oo isugu jira qaybaha bulshad sida, siyaasiyiin odayaal, ganacsato iyo waxgarad.
Labada masuul ee la soo dhawaynayay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee kenya ugu baaqay inay isku xirnaadaan ayna ilaaliyaan sharafta iyo karaamada ummadnimo ee ay leeyihiin.
Xildhibaan Cabi Barre Yuusuf Jabriil,oo hadlayay ayaa hadalladiisii waxaa ka mid ahaa “Halka dalkeenu maanta joogo intaaneen iyo inta inaga maqan ayay u taallaa inay horey uga dhaqaajiyaan, haddana waxaa muuqata sansaan iyo ifadaalo hormar”
Shirka ayaa waxaa soo xiray Suldaan C/Qani Suldaan Xasan Xaaji Cali Baalle, oo safar ugu socday waddamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika wuxuuna bulshada ugu baaqay wada jir, isaga oo halkaasna ugu duceeyay dadka Soomaaliyeed Suldaan CabdiQani, ayaa ka soo kictimay Magaallada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug,
Puntlandes.com